Xildhibaannada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta magaalada Kampala loogu soo xiray aqoon kororsi la xiriiray doorka Haweenka….

Barlamaanka haweenkaXildhibaannada Haweenka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loogu soo xiray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda aqoon kororsi la xiriira kordhinta Haweenka doorka hogaamineed ee siyaasadda dalka.

Barlamaanka haweenka.jpg1Aqoon kororsigan waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno Xildhibaanno ah oo kaaliyeyaal u ah waxaana mudada todobaadka ah ee uu socday ay Xildhibaannadu diiradda ku saareen waxyaabaha u qabsoomay mudada ay sameysteen Haweenka Xidlhibaannada ah Gole ay ku mideysan yihiin iyo kobaca xiligan saameynta ay Haweenku ku leeyihiin siyaasadda Dalka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo markii aqoon kororsigan loosoo xiray Haweenka Xildhibaannada ah la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in mudada todobaadka ah ee ay Xildhibaannadu joogeeen Kampala la qabtay shaqo adag oo ay ugu horeysay dib u eegista waxyaabihii u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay iyo iney saameyn muuqata Haweenku ku yeeshaan sharciyada lagu dhisayo guddiyada madaxa banaan ee Dastuurku farayo taasi oo micnaheedu tahay in Haweenka kaalin muuqata kusii yeeshaan hiigsiga 2016ka.

Barlamaanka haweenkaSidoo kale, Aqoon kororsigan ay qaateen  Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya tababarkii seddexaad ee magaalada Kampala lagu qabto inta lagu jiro fasaxa Baarlamaanka.

Waxaa kaloo maalinta berri ah la filayaa iney yimaadaan Uganda Howlwadeeennada Baarlamaanka si iyana ay qibrado uga kororsadaan qaabka ay looga shaqeeyo Baarlamaanka wadankan ayadoo arintanna ay qeyb ka tahay dhaqan gelinta heshiisyo ay horey u saxiixeen Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Somaliswiss       Kampala
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: