Wafdigii uu hogaminayey Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka.

PM Somalia.JPG2Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaminayo oo safar muddo saddex cisho qaatay ku tagay dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali iyo wafdigiisa ayaa intii ku sugmayeen magalada Doha ee xarunta dalka Qatar , iyadoo Wasiiradii la socday waxaa ay heshiisyo wax tar u leh dalka iyo dadka Soomaliyeed ay lasoo galeen Madaxda dowladda Qatar.

Heshiisyadaasi ayaa la xariiray dhinaca waxbarashada iyo duulista hawada, waxaana Soomaaliya u kala saxiixay Wasiirada duulista hawada iyo arrimaha dibadda.

Safarka Ra’iisul wasaaraha Dalka uu ku tegay dalka Qatar ayaa qayb ka ah qorsha dowladda ay ku xoojineyso xariirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka.

Somaliswiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: