Saraakiisha Amniga ee dalka Jarmalka oo dacwad kusoo oogtay dhallinyaro Soomaali ah oo damacsanaa inay ku biiran Al-shabaab

Al-shababDacwad-oogayaasha dalka Jarmalka ayaa waxay eedeyn argagaxiso kusoo oogeen lix qof dhallinyaro ah oo la sheegay in ay damacsanayeen inay ku biiran Xarakada Al-shabaab ee Somalia, iyadoo ay jiraan laba qof oo kale oo ay sarakiisha dalkaas u soo xireen inay ISIS ku biiraan.

Dhallinyaradan ayaa la sheegay in shan ka mid ah ay da’doodu u dhexeyso 24 – 31 sano, kuwaasoo saraakiishu ay sheegeen inay sannadkii 2012-kii ay u safreen Soomaaliya, si ay tababarro uga soo qaataan xoogagga Al-shabaab ee Somalia ka dagaalama.

Sidoo kale, saraakiisha Jarmalka ayaa sheegay in dhallinyaradan ay sannadkii 2014-kii ka baxeen Soomaaliya, waxaana saddex ka mid ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha Frankfort ee dalka Jarmalka bishii September ee isla sannadkaas.

Labada kale ayaa la sheegay in iyagana lagu qabtay gudaha dalka Kenya oo loo dhoofiyay dalka Jarmalka oo haysteen dhalashadiisa. Iyadoo dacwadaha ragga loo haysto ay ka mid yihiin inay geysan rabeen weerarro argagaxiso.

Howlgalka AMISOM ee Somalia ayaa ku qasbay Al-shabab inay baneyso dhul ballaaran oo ay gacanta ku hayeen sannadihii lasoo dhaafay, laakiinse Al-shabaab ayaa wali waxay ku xooggan tahay deegaannno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Somaliswiss        Frankfort
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: