Hanti-dhowrka Qaranka Soomaaliya oo shaaciyey inay soo bandhigayaan warbixin muujinaysa Musuqmaasuqa dhaqaale ee hay’adaha Dowladda.

Hanti-dhowraha guudDr. Nuur Jimcaale Faarax oo ah Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa shaaciyay maanta in guddiga gaarka ah ee la socodka Musuqmaasuqa Somalia ay dhawaan soo daabici doonaan warbixin muujinaysa khaladaadka dhaqaale ee wasaaradaha xukuumadda Somalia ay intooda badan ku kacaan.

Arrintan ayaa sababi karta inay culeys weyn ku keento dalalka dhaqaalaha ku taageeraya dowladda Somalia si dalka dib u dhis loogu sameeyo, iyadoo la xusuusto in dalalka reer galbeedka iyo kuwa deeqaha bixiya ay horay ugu ballanqaadeen Somalia dhaqaale fara badan.

Waddamada deeqaha siiyaha Soomaaliya ayaa horay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu wax ka qabto musuqmaasuqa kusii baahaya dalka; taasoo ay sheegeen inay qayb weyn ka qaadan karto in la dhiso dowlad shaqeynaysa.

Sidoo kale, Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale ayaa sheegay inay baaris ku sameeyeen dhammaan 25-ka wasaaradood ee xukuumadda; ayna soo bandhigi doonaan natiijadii kasoo baxay baaritaanadoodii xubnaha baarlamaanka Somalia bisha soo socota marka uu furmo kalfadhiga golaha baarlamaanka Somalia.

Dr. Nuur Jimcaale oo u warramayay wakaalada wararka Reuters isgoo ku sugan magaalada Nariobi ee xarunta dalka Kenya ayaa intaas ku daray inay toddoba wasaaradood oo ka mid ah kuwa xukuumadda ayaa lagu helay wax is-daba-marin dhaqaale.

“Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa kalsooni buuxda ii siiyay inaan baaris ku sameyn karo cid walba oo musuqmaasuq looga shakisan yahay,” ayuu ku yiri Hanti-dhowrka guud ee Qaranka wareysigiisa Reuters.
Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu rajeynayo in dalalka deeqaha bixiya ay sii wadaan taageerada ay siinayaan dowladda Somalia, isla markaana arimahan la xiriira laaluushka aysan wax saameyn ah ku yeelan taageeradooda.

Dubalamaasiyiin caalami ah ayaa sheegay in kalsoonida lagu qabo dowladda uu horkacayo Xasan Sheekh uu dhaawac culus gaaray markii lasoo saaray war-bixintii sannadkii 2013-kii ee ku saabsanaa lunsiga hantidii Soomaaliya ay lahayd ee ku xayirnayd dalka dibaddiisa tan iyo sannadkii 1991-kii. Laakiin madaxweyne Xasan ayaa iska fogeeyay inuu eedeyntaas ku lug leeyahay.

Warbixinta la filayo in dhawaan lasoo bandhigo ee ku saabsan khaladaadyada dhaqaale ee wasaaradaha dowladda Somalia ayaa baaritaankeeda waxaa lasoo billaabatay 2014-kii; yadoo tani ay noqonayso cadaadiskii ugu cuslaa ee soo food-saara xukuumadihii Somalia soo maray 24-sano ee lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, xukuumadda Somalia ayaa miisaaniyadda ay ku shaqeynayso sannadkan 2015-ka waxay gaaraysaa 216-milyan oo doollarka Mareykanka ah, iyadoo sidoo kalena la rajeynayo in dalka uu deeq ahaan ku helo illaa hal bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Somaliswiss            Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: