Hanti-dhowrka Qaranka Soomaaliya oo shaaciyey inay soo bandhigayaan warbixin muujinaysa Musuqmaasuqa dhaqaale ee hay’adaha Dowladda.

Hanti-dhowraha guudDr. Nuur Jimcaale Faarax oo ah Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa shaaciyay maanta in guddiga gaarka ah ee la socodka Musuqmaasuqa Somalia ay dhawaan soo daabici doonaan warbixin muujinaysa khaladaadka dhaqaale ee wasaaradaha xukuumadda Somalia ay intooda badan ku kacaan. Continue reading

Wafdigii uu hogaminayey Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka.

PM Somalia.JPG2Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaminayo oo safar muddo saddex cisho qaatay ku tagay dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda. Continue reading

Xildhibaannada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta magaalada Kampala loogu soo xiray aqoon kororsi la xiriiray doorka Haweenka….

Barlamaanka haweenkaXildhibaannada Haweenka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loogu soo xiray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda aqoon kororsi la xiriira kordhinta Haweenka doorka hogaamineed ee siyaasadda dalka. Continue reading

Saraakiisha Amniga ee dalka Jarmalka oo dacwad kusoo oogtay dhallinyaro Soomaali ah oo damacsanaa inay ku biiran Al-shabaab

Al-shababDacwad-oogayaasha dalka Jarmalka ayaa waxay eedeyn argagaxiso kusoo oogeen lix qof dhallinyaro ah oo la sheegay in ay damacsanayeen inay ku biiran Xarakada Al-shabaab ee Somalia, iyadoo ay jiraan laba qof oo kale oo ay sarakiisha dalkaas u soo xireen inay ISIS ku biiraan. Continue reading

Ciidanka XDS oo howl-gallo ka sameeyay waddooyinka Baay iyo Bakool.

Ciidamada Aagaga hore.jpg1Ciidanka Xoogga Dalka eek u sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa wada dhaqdhaqyo ay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab uga sifeynayaan waddooyinka isku xira degmooyinka gobolladaasi si ganacsiga iyo gargaarkaba loo gaarsiiyo. Continue reading

%d bloggers like this: