Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Mrisho Kikwete oo sheegay in Soomaaliya ay soo dalbatay inay ka mid noqoto suuqa Bariga Afrika EAC sannadkii 1974-kii.

Suuqa Bariga Afrika.jpg1Magaalada Bujumbura ee wadanka Burundi ayaa waxaa Shir uga socda barlamaanada dalalka ku mideysan Suuqa Bariga Afrika, waxaana kulankaas lagu soo qaaday sidii ay uga mid noqon lahayd Soomaaliya Suuqa ay ku bahoobeen Bariga Afrika.Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Mrisho Kikwete oo kulanka ka hadlay ayaa arrin la yaab leh ka dhawaajiyay, kaddib markii uu shaaciyay in ka mid noqoshada suuqa Bariga Afrika ay dalbadeen dalalka Somalia iyo Koonfurta Suudaan.

Suuqa Bariga Afrika.jpg2

“Mar aan baaritaan ku sameynay kaydadkii taariikhiga ahaa ee aan lahayn, ayaan waxaan ka helnay qoraal ay Somalia ku dalbanaysay inay ka mid noqoto suuqa Bariga Afrika EAC sannadkii 1974-kii,” ayuu Kikwete ku sheegay khudbadii uu jeedinayay.

Hadalkan ayaa keenay in dhammaan xubnihii kulankaas ka qaybgalayay ay aad ugu sacab tumaan hadalka madaxweynaha Tanzania, kaasoo ay xuseen inuu caddeyn u yahay in Somalia ay muddo dheer dadaal ugu jirto ku biirida suuqan.

Waxaa dalka Soomaaliya shirkan uga qaybgalayay xubno uu hoggaaminayay danjiraha Soomaaliya u jooga Bujumbura, Axmed Xasan Abshir oo sheegay inay dowladda Somalia horay u codsatay inay ka mid noqoto suuqa ay dalalka ku yaalla Bariga Afrika ku mideysan yihiin.

Danjiraha oo warbaahinta ugu waramayay ayaa sheegay in shirka looga hadlay in Soomaaliya loo diro wafdi heer sare ah oo ka baaraan-degi doona sidii ay Somalia uga mid noqon lahayd suuqa muddo fog kaddib.

“Waddamada suuqan ku mideysan oo ku yaalla kuwa Bariga Afrika ayaa inta badan waxay isku raacsan yihiin in Somalia ay ka mid noqoto Suuqaan, xitaa hadii afti loo qaado waxaa lagu kalsoon yahay inay ogolaanayaan inay ka mid noqoto Somalia suuqaan,” ayuu HOL u sheegay danjire Abshir Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa muddo fog dadaal ugu jirtay sidii ay u soo ceshan lahayd kaalintii ay uga jirtay caalamka, gaar ahaan sidii ay uga mid noqon lahayd ururradii caalamiga ahaa ee ay horay uga mid ahayd.

SomaliSwiss          Bujumbura
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: