Wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadlay hadalkii ka soo yeeray maamulka G/Woqooyi ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha A. Dibadda.jpg1Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ka hadlay, isla markaasna jawaab ka bixisay hadalkii kasoo yeeray maamulka Gobollada Woqooyi ee Soomaaliya oo ku saabsanaa in aanay la fariisan doonin dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa la dhex-dhexaadiyo.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali ayaa hadalkiisa kasoo yeeray maamulka Gobollada Woqooyi ee Soomaaliya ku tilmaamay mid aan laga fiirsan, kaasoo ahaa inaysan Somalia la fariisanayn illaa Beesha Caalamku uu dhexdhexaadiyo labada dhinac.

“Waa maqlay hadlka kasoo yeeray Maxamed Biixi deel-qaaf badan ayuuna ku hadlay, wadahadallada muddo dheer ayuu soo socday Ingiriiska ayaa ka ahayd fududeeye iyo goobta lagu kulmi lahaa iyo isu keenista labada dhan,” ayuu yiri wasiir Khaalid oo VOA-da la hadlay.

Sidoo kale, Khaalid oo la weydiiyay su’aal ahayd in wixii hadda ka dambeeya wadahadal-lada labada dhinac inay beesha caalamka goobjoog ka noqoneyso ayuu ku jawaabay in arrintaas aanay sax ahayn oo sida labo dowladood oo kale loo dhex-dhexaadinayn.

“Arrimahan waxay ka dhaxeeyaan Soomaali, dadka wadahadlaya waa dad Soomaaliyeed, ma ahan labo dal oo kala duwan, sida Eritrea iyo Itoobiya, annagoo ilaalineyna midnimada Soomaaliya, waxay wax ka dhaxeeyaan waa Soomaali, ayagaana xalisanaya,” ayuu Khaalid intaa ku daray.

Dhanka kale, wuxuu wasiirku intaas ku daray in xilligii xoriyadda kadib la saxiixay heshiis midnimada iyo wadajirka Somalia, heshiiskaas uu taagnaa, balse Somaliland ay iskeed u gaartay go’aan ah inay gaar u istaagto, laakiin aanay ahayn go’aan shacabka Soomaaliyeed ay cod ugu qaadeen ama si guud la isku af-gartay.

Gaba-gabadii hadalkiisa ayuu wasiirku ku sheegay in diyaar u yihiin wali in wadahadallada labada dhinac ay sii socdaan, waxaana hadalladan ay kusoo beegmayaa xilli uu dhawaan burburay wadahadalladii labada DF Somalia iyo maamulka Gobollada Woqooyi ee Soomaaliya u dhexeeyay.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: