Kulankii u socday Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo maanta loogu hadlay qodobo la xiriira Amniga iyo Isku-dhafka Ciidamada.

Golaha Wasiirada CCCKulanka ay yeeshee maanta golaha Wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey ku simaha Ra’isulwasaaraha dalka ahna wasiirka Cadaalada dalka mudane Cabdulaahi Axmed Jamac ayaa looga hadlay arimo dhowr ah sida: isku dhafka iyo qarameynta ciidanka xooga dalka ,maamulka maaliyadda iyo amniga guud.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xaalada amni dalku soo wanaagsanaaneysa .

Galaha wasiiirada ayaa dood dheer ka yeeshay qodobada ay maanta kaga hadlayeen kulankooda waxa ayna ugu dambeyn ku meel mariyeen labo gudi oo Kmg ah kuwaas oo kala ah guddi ka shaqayn doona isku shafka ciidanka xogga dalka , iyo gudiga la socodka heshiisyadda caalamiga ah ee ay dowladda la galayso caalamka inta laga meelmarinayo sharciga iibka Qaranka Soomaaliyeed oo iminka hor yaala golaha shacabka Soomaaliyeed, gudiyadaas ayaa waxaa soo kala gudbiyey wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka Golaha wasiirada oo qaatay saacado badan ayaa waxaa markii uu soo idlaaday warbaahinta Qaranka la hadlay wasiir dowlaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka, iyo dalxiiska,Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xassan Pekoos oo tilmaamay in kulanku guul kusoo dhammaaday.

SomaloSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: