Mas’uulka ugu sarreeya Ururka Ikhwaanul Muslimiinta Masar oo Maxkamad ku xukuntay dil Toogasho ah.

Ikhwaanul MuslamiinMas’uulka ugu sarreeya Ururka Ikhwaanul Muslimiinta Masar Al-sayd Maxamad Badiic ayaa Maxkamad ku taalla dalka Masar ku xukuntay dil waxaana lala xukumay 13-ruux oo kale oo iyaguna ka tirsan Ururkaas, kuwaasoo dhammaantood lagu soo oogay dacwado kala duwan.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa dalka Masar laga mamnuucay kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Masar, Maxamad Mursi oo ka dadka taageera ay u badnaayeen Ikhwaanka.

Sidoo kale, Al-sayd Maxamad Badiic iyo taageerayaashiisa waxaa la sheegay in lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen weerar ka dhan dowladda dalkaas ka jirta ee uu millaterigu hoggaaminayo.

Dhanka kale, xukunnadan ayaa loo gudbiyay muftiga dalkaas ugu sarreeya oo ka gaari doona go’an kama dambeys ah.

Ugu dambeyn, maxkamad kale ayaa horey toogasho ugu xukuntay Maxamed Badiic, laakiinse waxaa gadaal dambe loo beddelay xukunkaas mid xabsi daa’im.

SomaliSwiss Qaahir
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: