Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta warqadihii aqoonsiga danjirannimo ka Guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Norway

Somalia iyo Norway.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey danjiraha cusub ee Boqortooyada Norway u fadhin doona Soomaalya Mr. Victor Conrad Rønneberg. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

Somalia iyo NorwayMadaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga mahadceliyey talaabada ay danjirahan cusub ugu soo magacawdey Soomaaliya , oo uu sheegay inay sii xoojin doonto xiriirka labada dal.

“Aad ban kugu soo dhoweyneynaa dalka, waxaana kuu xaqiijinayaa in iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn intaba aad ka heli doonto Soomaalida, waxaan kale oo aan Norway uga mahadcelinayaa taageerada ay nala garab taagan tahay oo muhiim u ah dib u dhiska dalkeena’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale danjiraha uga warbixiyey xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada, horumarinta iyo adeegyada bulshada, isagoo xusey in wax badan la qabtey, waxyaabo kalena ay dhiman yihiin.

“Waxyaabo badan ayaa inoo qabsoomey , waxaana haatan ku jirnaa diyaargarowga sidii loo dhaqan gelin lahaa Hiigsiga 2016 , oo ay inaga go’an tahay inaan fulino.’’

Somalia iyo Norway.jpg1Danjiraha cusub ee Norway Mr. Rønneberg ayaa isna kulankaasi ka sheegay in Norway ay sii kordhin doonto taageerada Soomaaliya, isla markaana uu jiro qorshe cusub oo Norway ugu talagashey barnaamijyada kala duwan ee horumarinta ee Soomaaliya lagu taageerayo.

“Imaanshahayga Muqdisho waxaa uu ka tarjumayaa sida aan u dooneyno balaarinta iskaashiga aan la leenahay Soomaaliya, waxaan idin ka taageeri doonaa maareynta kheyraadka, xirfadaha kala duwan ee maamul wanaagga iyo dhinacyada farsamada, iyo weliba nabadgelyada iyo wax wada qabsiga”.

Wasiiru dowlaha A. DibaddaKulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha ArrimahaDibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale.

SomaliSwiss                  Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: