Kenyan policeWar naga soo gaaray magaalada Wajeer ee dalka Kenya ay weerar ku qaadeen Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya waxayna ku dilay afar qof oo rayid ah; sidaas waxaa sheegay maanta oo Arbaco ah Booliiska dalka Kenya.

Koox hubeysan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Maleeshooyinka Al-shabaad, waxayna gudaha u galeen shalay degmadaas oo ku dhow soohdinta; iyadoo kooxdu ay weerartay dukaan ku yaalla dhanka waqooyi-bari degmadaas oo 100-km u jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Maleeshooyinkan waxay weerarkooda u isticmaalay bambooyinka gacanta laga tuuro, rasaaseyn iyo waxyaabo kale oo qarxa sida ay sheegeen dadkii goobjoogayaasha ahaa.

“Dadka waxay ku xirneen gudaha dukaanka, jiho walbana rasaas ayay kaga fureen. Saddex ka mid ah afarta qof waxay ku dhinteen gudaha dukaanka, ruuxa kalena wuxuu ku dhintay isbitaalka,” ayuu yiri Maxamed Siyaad oo ka mid ah saraakiisha magaladaas.

Al-shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ay ku qaaday degmada Wajeer ee dalka Kenya. Iyadoo la xusuusto in kooxdu ay toddobaadkii aan soo dhaafnay weerareen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba inkastoo uu ka badbaaday weerarkaas.

Magaalooyinka ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin Wajeer iyo Mandheera ayaa inta badan la kulma weearro ay Al-shabaab la beegsato, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u dirtay gudaha Somalia 2011-kii.

Xukuumadda dalka Kenya ayaa lagu eedeeyay inay ku wareersan tahay wax ka qabashada ammaanka gudaha dalkeeda, iyadoo gudaha wadankaas ay si is-daba jooga ah uga dhacaan weerarro iyo qaraxyo ay geysanayaan kooxo hubeysan.

SomaliSwiss        Wajeer
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: