Wasiirka Wasaaradda Xanaada Xoolaha Soomaaliya oo maanta la kulmay Mas’uul ka tirsan hay’adda Cunada iyo Beeraha (FAO).

Wasiirka xanaanada xoolahaWasiirka Wasaaradda Xanaada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumada Soomaaliya iyo Mr Richard oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunada iyo Beeraha FAO ayaa waxaa maanta kulan ku saabsanaa sida ay wada shaqeyn joogto ah u wada yeelan lahaayeen Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Hay’adda FAO, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda iyo madaxda Hay’adda Cunada iyo Beeraha.

Mr Richard ayaa dhankiisa sheegay in sanadkii tagay Soomaaliya guud ahaan ay dib u talaaleen 25.1 milyan oo Xoolo ah isla markaana ay hadda diyaar u yihiin in mashaariic kale ay Wasaaradda kaga gacn siiyaan arimaha quseeya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

Mudane Saciid Xuseen Ciid oo ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u jeeda kulankan ay kamid aheyd in la qiimeeyo mashaariicda lagu horumarinaayo Xoolaha Soomaaliya isla markaana kuwo kale loo abuuri lahaa.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: