Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho…

Ra'iisal-wasaare CCC.jpg10Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharamake ayaa maanta ka ambaxay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Qatar halkaasi oo uu dhigiisa Qaar ka helay casuumaad rasmi ah.

Safarka Ra’isul wasaaraha ayaa qaadanaya mudda maalmo ah, waxaana garoonka diyaaradda Aadan Cabdule Cusmaan ku sagootiyay Mas’uulayiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

 Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa la sheegay in kulamo uu la qaadan doona inta uu ku sugan yahay dalka Qatar, mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaasi oo ay ka wada hadli doonan xariirka ka dhaxeeya labada dal, sii loo xoojin lahaa iyo iskaashi dhica wabarashadda iyo duulmaadka oo ah in ay ka shaqa bilawdo diyaaradda Qatar Soomaaliya.

Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ah Afhyeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu qeyb ka yahay xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay wadamada Caalamka.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: