Magaalada Muqdisho oo ka dhacay Bannaanbax loogu soo horjeedo Xaalufinta iyo Wasaqeynta biyaha Soomaaliya.

Bannaanbax Muqdisho.jpg4Bannaanbax ay ka qayb galeen Kumanaan qof oo reer Muqdisho ayaa maanta ka dhacay Daljirka Dahsoon ee Muqdisho, kaasoo looga cabanayay baaritaannada ay shirkado dalalka caalamka qaar ka mid ah biyaha ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya.

Bannaanbaxan oo ay soo qaban-qaabiyay Ururrada bulshada rayidka Somalia, waxayna ku muujiyeen sida ay kaga soo horjeedaan xaalufka iyo wasakheynta biyaha Soomaaliya.

Bannaanbax Muqdisho.jpg3

Mudane C/llaahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah saraakiisha Bulshada Rayidka ah oo ka hadlay dibadbaxa oo ay ka qaybgalayeen ardayda wax ka barta dugsiyad iyo jaamacadaha Muqdisho inay sii wadi doonaa dibadbaxyada ay kaga soo horjeedaan dhibaateynta lagu hayo dalka.

“Waddankeena uma ogolaanayno inay dowlado kale qanadaraas ku bixiyaan oo baddeenna la baaro, lagu xadgudbo ama laga kalluumeysto ama qashin lagu shubo. Waxaan dowladda Talyaaniga ka doonaynaa inay kala doorato shacabka Soomaaliyeed iyo dowladnimadiisa iyo inay dalkeenna dowlado kale la bililiqeysato,” ayuu yiri C/llaahi Maxamed Shirwac oo dibadbaxa la hadlay.

Sidoo kale, waxaa bannaanbaxa ka hadashay Khadiijo C/llaahi oo iyana ah guddoomiyaha hay’adda COGWO ayaa sheegay inay Soomaalida oo dhan ay u sheegayso inay arrimahan ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka lagu hayo.

“Dowladda Talyaaniga waxaan ka codsanaynaa inay waddankeenna ka baxdo,” ayay tiri Khadiijo oo intaas ku dartay inay shacabka Soomaaliyeed oo dhan mar kale weyiidsanayso inaysan arrintan ka seexan.

Ugu dambeyn, bannaabaxayaasha ayaa waxay sheegeen inay sii wadayaan dibadbaxyada noocan oo kale ah inta la joojinayo xaalufinta iyo baaritaanka lagu hayo xeebaha Somalia.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: