Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta la kulmay Danjiraha Switzerland iyo Safiiro kale dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Jawaari iyo Danjiraha SwisskaGudoomiyaha Barlamaanka Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” ayaa wuxuu maanta Kulamo gooni gooni ah xafiiskiisa kula qaatay Safiiradda Soomaaliya u fadhiya qaar ka mid ah dalalka iyo hay’adaha Caalamka sida  Danjiraha dalka Switzerland, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dayib Dubbad, Sweden, iyo Eregayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholos Kay.

Jawaari iyo NikolayKulankan ayaa waxaa looga hadalyey dardar-gelinta iyo sidii ay gacan uga gaysan lahayeen hirgalinta hiigsiga 2016-ka.

Kulanka gooni gooniga ahaa ayaa waxaa  diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha horyaala Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana looga fadhiyo in ay ku qabtaan Kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka oo dhowaan lagu wadao in uu furmo.

Jawaari iyo Danjiraha JabuutiSidoo kale Afhayeenka Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” ayaa mid mid ula kulmay safiirada uu maanta waxaayna is dhaafsadeen qaabka ay dowlada Soomaaliya ugu guulaysan karto hirgelinta hirgalinta 2016-ka iyo doorka kaga aadab in dalalka iyo hay’adaha caalamka ay qeyb ugu qaadan lahaayeen howshaasi.

Jawaari iyo Danjiraha SwedenJawaari iyo Danjiraha SwisskaSomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: