Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo ka warbixiyay Odey Dhaqameed lagu Dilay Qoryeeley.

G. SiidiiSida uu sheegay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/Hoose Mudane Siidii in Kooxo aan la garanayn in ay ku dileen oday dhaqameed kamid ahaa waxgaradka degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeelada Hoose, laguna magacaabo Bashiir Xasan Cabdulle.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siiddi oo lahadlay warbaahinta ayaa falkan ku eedeeyay ururka Al-shabaab ,waxaana uu sheegay in maamulka Shabeelada Hoose uu baarayo sida wax u dhaceen.

“Runtii falka ka dhacay degmada Qoryooleey waan cambaareyneynaa, waxa ayna dileen Nabadoon Bashiir Xasan Cabdulle, wiil uu dhalay iyo mid kale oo shaqaale u ahaa “ ayuu yiri Siidi oo saaka la hadlay qaar kamid ah warbaahinta.

“Ciidamada amnigu waxa ay iminka ku raad-joogaan sidii ay cadaaladda u horkeeni lahaayeen kooxihii falkaasi arxandarada ah ka dambeeyay” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale gudooomiyaha degmada Qoryoolay Maxamed Xaaji Cismaan oo isna arintan ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ka jooga degmada Qoryeelay la soo kordhin doono , si ay u adkeeyaan amniga.

Ururka Al-shabaab oo ka dagaalama bartmaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay laba jibbaaray dilalka ay ka gaysanayaan goobaha iyo degmooyinka ay dowladda Soomaaliya gacanta ku hayso.

SomaliSwiss           Qoryoolay
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: