Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Sharm El Sheikh kula kulmay dhigiisa dalkan Abdifatah Al Sisi.Madaxweyne Xassan Sheekh ugu hambalyeeyay dhigiisa wuxuu Madaxweynaha Masar ugu hambalyeeyey guusha uu ka gaaray shirka looga hadlayo dhaqaalaha Masar ee lagu yaboohay dhaqaalaha isugu jira maalgelinta iyo deeqdaba.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideyso shirarka noocaan ah oo loo baahanyahay in dalkeena loo qabto si maalgashi iyo yabooh dhaqaale loogu helo wadankeena oo leh dhinacyo badan oo maalgashi u baahan.
SomaliSwiss     Sharm El Sheikh
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.