Madaxweynaha Gobollada Woqooyi ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiiradda maamulkiisa iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo qaarna laga fadhiisiyey, qaar kalana magacaabay, halka qaar kalana isku bedelay.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxu soo buuxiyey wasiiro xukuumadda iska casilay, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey boosaskooddu banaanaa, isla markaana dadku hadal hayeen cidda buuxin doonta.
“Madaxweynaha Mamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015, uu ku magacaabay saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud, Gudoomiyaha banka dhexe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka hawd iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha, isla markaasina xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday saddex masuul oo kale.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda.
Wasiiradda cusub iyo kuwo la isku bedelay waxay kala yihiin:
1 In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Maamulka Somaliland, (Bedel) hore wasiirkii Wasaaradda beeraha
2 In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee Somaliland
3 In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Maamulka
Somaliland.
4 In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland.
5 In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Somaliland.
6 In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Somaliland
7 In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland
8 In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa
9 In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Maamulka Somaliland.
Masuuliyiinta xilalkooddii waayey ee madaxweynuhu ku amray inay degdeg xilalkii ay hayeen ku wareejiyeen masuuliyiinta cusub waxa ka mid ah:
1. Mudane, Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL
2. Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee
Gobolka Hawd ee JSL
3. Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda
Caafimaadka .
“Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay.
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka
Somaliland.” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka.
SomaliSwiss               Hargeysa
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.