Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeesheen xubnaha golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya oo uu shir gudoominaayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali, waxaana kulankaas looga hadlaaya sida loo hirgelinaayo qorshiyaasha u degsan dhamaan Wasaaradaha xukuuumadda Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhowr arimood oo ay kamid tahay qorshaha hada horyaala Xukuumadda,hirgelinta hiigsiga sanadka 2016-ka iyo dardargelinta dhamaan howlaha loo idmaday xukuumadda Soomaaliya.
Wariyaheena Axmed Cali Kaahiye oo goobta uu shirka lagu qabtay ku sugan ayaa soo sheegay in furitaanka kulankan gaarka ah ee xubnaha golaha Wasiirada uu ka hadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaana uu Wasiirada ku booriyay in ay sii labo laabaan dadaalada lagu horumarinaayo waajibaadka loo xilsaaray.
Sidoo kale waxaa Wasiir kasta lagu wargeliyay in qorshaha boqolka maalin ee Wasaaradiisa uu u soo gudbiyo Wasaaradda Qarsheynta iyo Iskaashiga caalamka.
Kulankan maanta u furmay xubnaha golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beri lagu wadaa in la soo geba gebeeyo sida uu qorshuhu yahay, waxaana qodobada looga hadli doono kamid ah xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka iyo xafiisyada dhamaan Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.
SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.