Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kula kulmey Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiin.

Madaxweynaha Somalia iyo Falastiin4Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kula kulmey Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Masar.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dhinac, xaaladaha Bariga dhexe iyo arrimo kale oo la xiriira amniga caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha Falastiin uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo barnaamijyada la doonayo in lagu xaqijiyo sidii dib ay Soomaaliga cagaheeda isku taagi lahayd.

‘’Maadaama aan haatan ka soo kabaneyno dagaaladii sokeeye, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya iyo Falastiiniyiinta uu xiriirkooda sii xoogeysan doono, aana sii wadno taageerada qadiyadda Falastiin oo aan weligeen safka hore kaga jirney’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Falastiin ayaa isna kulankaasi uga warbixiyey xaaladda dhulka Falastiiniyiinta iyo qorshaha nabadda Bariga Dhexe.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadley doorka Jaamacadda Carabta iyo waddamada xubnaha ka ah ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xalinta mashaakilaadka ka jira dalalka Carabta qaarkood.

Kulankaasi oo ku dhammaadey jawi is-afgarad ayaa waxay labada madaxweyne ku heshiiyeen inay dib kulamo kale ku yeeshaan fadhiyada soo socda ee Jaamacadda Carabta.

SomaliSwiss         Sharm El Sheikh
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: