Madaxweynaha oo Wareegto ku kala diray Golaha Adeegga Garsoorka.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg20Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku kala diray Golaha Adeegga Garsoorka Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa, waxayna u qornayd sidatan:
Xeer Madaxweynaha lr. 08 : KALA DIRID GOLAHA ADEEGGA GAROORKA Taariikh: 11/03/2015 MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA:

MARKUU ARKAY: Qodobada 4aad iyo 87aad ee dastuurka Kumeelgaarka ah.

MARKUU ARKAY: Qodobka 143aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah:

MARKUU GAROWSADAY: Baahida loo qabo in la dhiso gole adeeg garsoor oo waafaqsan qodobka 109A ee Dastuurka

MARKUU ARKAY: Sharci lambar 28 ee soo baxay 8/7/2014 ee Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka

MARKUU TIXGELIYAY: Cabashada joogtada ah dadweynaha ee Cadaalad darada baahsan

MARKUU TIXGELIYAY: Danta guud ee Cadaaladda
Wuxuu xeeriyey

Qod. 1aad

Laga bilaabo taariikha uu Madaxweynaha saxiixo xeerkan waxaa la kala diray Golaha Adeegga Garsoorka Dalka ee aan dhismahiisu waafaqsaneyn Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo Sharciga dhismaha Golaha Adeegga

Qod. 2aad

Xeerka ma saameynayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo iyagu xafiis ahaan uga mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka.

Qod.3aad

Xukuumadda iyo Golaha Shacabka waa inay si deg deg ah u soo dhameystiraan Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: