Golaha Adeegga Garsoorka oo ka soo horjeestay go’aankii uu Madaxweynaha ku kala diray.

Ceydiid Ilka-xanafShir ay isugu yimaadeen xubnaha golaha adeega Garsoorka Soomaaliya ayaa looga soo horjeestay Wareegtadii uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu kala diray golaha adeegga Garsoorka ee dowladda Soomaaliya.

Shirkan wuxuu ahaa mid aan caadi ahaynee ay ka soo qayb-galay sideed xubnood oo kamid ah sagaalka xubnood ee uu ka kooban-yahay guddiga adeega Garsoorka oo uu ku jiro guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdulaahi (Ilka Xanaf).

“Halkan waxaa taala digreeto usoo qoray Madaxweynaha Soomaaliya ee halaga hadlo “ sidaas waxaa yiri guddoomiyaha golaha adeega garsoorka oo kulankan furay ,iyadoo dood dheer ka dib goluhu u soo saaray qodobada hoos ku qoran, waxaana kamid ahaa:

1: In golaha adeegga garsoorka kamid yahay 3-da tiir ee qaranku ka koobanyahay

2: In Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya aaney waafaqsanayn dastuurka jamhuuriyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

3:In aanu jirin dastuur ama sharci Madaxweynaha awood u siinaya inuu kala diro golaha adeega garsoorka ama gole kale oo Qaran.

4: In marka wax garsoor ku saabsan laga hadlayo sida dastuurku dhigayo Madaxweynuhu uu helo ogolaanshaha golaha adeegga Garsoorka ,xitaa magacaabista xeer-ilaaliyaha iyo ku xigeenkiisa.

5: Hadii lagu kaco ama lagu dhaqaaqo talaabo garsoorka la xiriira oo aan lagala tashan Golaha Adeegga Garsoorka ,waa sharci darro, xitaa hadii goluhu yahay mid ku meel gaar ah.
 

Ugu danbayn, waxaa kaloo qodobada shirka ka soo baxay in Golaha adeegga Garsoorka ee hadda jira sii wadayo ilaa laga dhisayo gole cusub,iyadoo Wareegtada Madaxweynuhu uu soo saaray la sheegay in loo cuskaday in jiritaanka golaha uusan waafaqsanayn dastuurtka dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss             Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: