Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kula kulmey Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiin.

Madaxweynaha Somalia iyo Falastiin4Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kula kulmey Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Masar. Continue reading

Golaha Adeegga Garsoorka oo ka soo horjeestay go’aankii uu Madaxweynaha ku kala diray.

Ceydiid Ilka-xanafShir ay isugu yimaadeen xubnaha golaha adeega Garsoorka Soomaaliya ayaa looga soo horjeestay Wareegtadii uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu kala diray golaha adeegga Garsoorka ee dowladda Soomaaliya. Continue reading

Seminaarkii Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka ugu socday Kampala oo maanta la soo gebageboobay.

Guddiyada Baarlamaanka.JPG2Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta loo soo gebageboobay Seminaar howleedkii ugu socday magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, kaas oo la xiriiray dejinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhowaan furmi doona. Continue reading

Madaxweynaha oo Wareegto ku kala diray Golaha Adeegga Garsoorka.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg20Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku kala diray Golaha Adeegga Garsoorka Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa, waxayna u qornayd sidatan:
Xeer Madaxweynaha lr. 08 : KALA DIRID GOLAHA ADEEGGA GAROORKA Taariikh: 11/03/2015 MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA: Continue reading
%d bloggers like this: