Wadamada Midowga Africa oo maanta shir looga hadlayo amniga uga furmay magaalada Adis’ababa iyo la dagaallanka argagixisada qaaradda Africa.
Shirkan oo ay ka soo qeyb galayaan mas’uuliyiin ka kala socota wadamada Qaaradda Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa sidii Qaaradda looga cirib tiri lahaa argagixisada gaar ahaan Shabaab iyo Boko –haram, kuwaasoo dhibaatooyin amn idaro ah ka wada bariga iyo galbeedka Qaaradda Africa.
Shirka ayaa looga arrinsanayaa adkeynta ammaanka Qaaradda Africa, iyo sidii loo taageeri lahaa ciidamada dowladda Soomaaliya, si ay tabar iyo itaalba ugu yeeshaan xaqiijinta amniga guud ee dalka.
Si kasta ha ahaatee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socda Midowga Africa kuwaasoo ciidamada qalabka sida ka caawiya howlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka Shabaab ee banneystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.
SomaliSwiss       Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.