Dowladda Kenya oo Soomaaliya ku soo wareejisay Maxaabiis Soomaali ah oo Dalkeeda ku Xirnaa.

Kenya PiracyMaxkamadda ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa amartay in dib loogu celiyo Soomaaliya 10-qof oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen burcad-badeed kuwaasoo toban sano oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamadda ku taalla Mombasa.

Garsooraha maxkamada sare ee Mombasa, Muya ayaa amray in muddada xukunkooda ka hartay oo afar sano ah ay dhallinyaradan Soomaaliyeed ku dhameysan doonaan dalkooda; iyagoo lagu helay dambi ah afduub markab marayay biyaha dalka Yemen.

Muya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu soo maray is-bedello kala duwan, balse haatan uu xasil-loon yahay, sidaa awgeed dadka loo haysto dambiyada ee kasoo jeeda Soomaaliya ay wanaagsan tahay in xukunkooda ku qaataan meel u dhow ehelladooda.

Dhallinyaradan Soomaaliyeed ee tobanka ah ayaa la xukumay 05 November, 2013-kii, kadib markii ay maxkamadu ku heshay dambi burcad-badeednimo ah. Balse raggan ayaa dafiray inay burcadbadeed ahaayeen, iyadoo la xusay in lagu helay qoryaha Ak-47 ah oo ay ku weerareen Markab lagu magacaabo MV Maria; ayna cabsi ku abuureen shaqaalihii markabkaas la socday.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa isna xusay inuu rajo ka qabo in dowladda Kenya ay ogolaan doonto in 10-kaa qof ee Soomaalida ah loo wareejiyo dalkooda si ay xabsiga inta u hartay ugu dhameystaan dalkooda.

“Maxaabiista ku jira xabsida Kenya 97-qof oo loo haysto burcadbadeednimo, waxaana rajeynayaa in dhamaantood dib loogu celin doono Somalia,” ayuu yiri danjire Ameeriko oo la hadlay warbaahinta.

Ugu dambeyn, sagaal ka mid ah dhallinyaradan ku eedeysan burcadbadeeda ayaa waxay ku xukuman yihiin 20-sano oo xarig ah, sided ka mid ahna 10-sano oo xarig ah; halka 44 ka mid ahna uu mid walba ku xukuman yahay 7-sano oo xabsi ah.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan oo burcad badeednimo ku eedeysan ayaa ku xiran dalalka caalamka intooda badan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa reer Yurub iyo Mareykanka.

SomaliSwiss         Mombasa
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: