Shir looga hadlayay Maal-gashiga Soomaaliya oo saddex maalmood ka socday magaalada Nairobi oo shalay la soo gabagabeeyey.

Shir Maalgelin.jpg1Shir looga hadlayay Maal-gashiga Soomaaliya oo saddex maalmood ka socday hoteelka Safari Park ee magaalada Nairobi ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey, waxaana shirkan ka soo qayb-galay in ka badan 150 hay’adood iyo 300-qof oo isugu jira hay’adaha Maal-gashiga sameeya iyo ganacsato Soomaali iyo Ajaanib isugu jira.

Shir MaalgelinMas’uuliyiintii ka socday hay’adaha iyo ganacsatadii shirkaan ka qayb-galay ayaa sheegay inay Soomaaliya ka jiraan fursado maal-gashi lagu sameyn karo, kuwaasoo ay ka mid yihiin; kalluumeysiga, hawada iyo cadceedda oo laga dhalin karo koronto iyo beeraha.

Xubnaha ka qayb-galay kulanka ayaa sheegay in Somalia ay tahay waddanka ugu koronto qaalisan dunida oo dhan, iyadoo koronto raqiis ah laga dhalin karo cad-ceedda iyo dabeysha.

Shir Maalgelin.jpg2Hay’adihii iyo ganacsatadii ka qaybgalay shirkan ee Soomaalida ahaa ayaa intood badan ka yimid Somaliland iyo Puntland, iyadoo ay aad u yaraayeen maal-gashadayaasha iyo ganac-sato ka socday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya hay’adihii shirka soo qabanqaabiyay iyo kuwii ka qayb-galay ayaa ku faahfaahiyay waxyaabihii shirka looga hadlay iyo qodobbadii laga dooday.

Agaasimaha shirkassa Shuraako oo ah shirkadda soo qaban-qaabisay kulanka shirkan oo warbaahinta ay weydisay su’aalo kala duwan wuxuu yiri:“Inkastoo aana hadda sheegi karin hay’adaha iyo ganacsatada shirkaan kasoo qayb-galay goobaha ay ka kala yimaadeen iyo siday u yimaadeen, haddana waxaa dhici karta inay u baaqdeen sababo dhinaca dal-ku-galka ah, maadaama heli-taanka fiisaha dalka Kenya uu yahay mid aad u adag.”

Sidoo kale, Agaasimuhu Sheegay in shirkaan kan xiga lagu qaban karo Soomaaliya iyo in kale, maadaama maal-gashiga Soomaaliya looga hadlayo, wuxuuna ku jawaabay mar kale. “Aad iyo aad ayay u fiicnaan lahayd in lagu qabto shirkan kan xiga Somalia, balse taas waan ka fikiraynaa in ay suuro-gal noqon karto iyo in kale.

Shir Maalgelin.jpg3Waxaa iyadana goobta ka hadashay haweeney shirka ku matalaysay bangiga Adduunka, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in kalluumeysiga Soomaaliya si cilmiyeysan looga faa’iideysto, iyadoo laga digtoonaanayo in la qaldo habka looga faa’iideysan karo kalluu-meysiga Somalia, si dadka Soomaaliyeed ay faa’iidooyin badan uga helaan kalluumeysiga.

Si kasta ha ahaatee, shirkan ayaan ahayn kii ugu horreeyay oo looga hadlay maal-gashiga Somalia oo ka dhaca dalka dibaddiisa, iyadoo shirkii magaalada Nairobi ay ganacsatadihii iyo hay’adihii ka qaybgalay isku raaceen in xilligan ay Somalia ka jiraan fursado badan oo dhanka maal-gashiga ah.

SomaliSwiss            Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: