Dhallinyaro rabtay inay ku biiraan Ururka Nadiidka (Al-shabaab) oo ka soo tallaabay xadka Soomaaliya iyo Kenya oo lagu qabtey.

dad la soo qabtayWar Saakey naga soo gaaray  Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoosayaa sheegaya in  lagu qabtey lix qof  dhallinyaro ah oo kasoo tallaabeen xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya islamarkaana doonayeen inay ku biiraan Kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Lixda qof oo labo kamid ah ay ahaayeen Soomaali , labana Kenyan, labada kalena ay ahaayeen Tanzaniyiin, kuwaas oo gacanta ku dhigey ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Jubbada Hoose ee ku sugan halkaas. Taliyaha ciidamada ammaanka ee aagga Dhoobley Haybe Axmed Cabdullaahi oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa warkan sheegay, isagoo xusey in nimankaasi wateen qoraallo cadeynaya inay ku wajahan yihiin deegaannada Al-shabaab maamusho.

Ha yeeshee Taliyuhu wuu ka gaabsadey inuu bixiyo faah faahin intaas ka badan, wuxuuse tilmaamey in xilligan dadkaas baaritaan lagu wado suuragalna ay tahay in dhowaan loo soo gudbiyo dhanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa hadda ka hor marar badan qabatey dad Soomaali iyo ajnebiba isugu jirey, kuwaasoo la sheegay in laga qabtey xadka xilli ay isku deyayeen inay dhuumaalaysi ku galaan Soomaaliya, si ay ugu biraan Al-shabaab.

Sida la wada ogsoon yahay dagaalyahanno badan oo ajenebi ah ayaa ka barbar dagaalama kooxda Nabad diidka ee Al-shabaab, dadkaas oo qaar badan oo kamid ahi kasoo soo jeedaan wadamada ku yaalla bariga Afrika iyo wadamada kale.

Si kasta ha ahaatee ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Dowladda Federaalka ee ah inay qabatey xubno ku biiri lahaa Al-shabaab, sidoo kale ma jiro wax war ah oo arrintaas ku saabsan oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

SomaliSwiss              Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: