Qarax Xooggan oo Caawa fiidkii ka dhacay Agagaarka Hoteel Maka Al-Mukarama.

qarax1Qarax xoogan oo dhawaaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor-dhow ka dhacay agagaarka Hoteelka Maka Al-mukarama ee Muqdisho oo ku yaalla waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, kaas oo aan illaa hadda la ogeyn wixii khasaaro ah ee ka dhashay iyo cidda lala beegsaday.
Continue reading

Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisal-wasaare Cumar C/rashiid oo ka wada hadlay Arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Gelle iyo CCCRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Jabuuti ku tagay booqasho rasmi ah, iyagoo kulamo la qaaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’iisul wasaarihiisa, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, waxaana looga hadlay kulammadaan adkaynta xiriirka iyo is-kaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal. Continue reading

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo maanta Nairobi kula kulmay Ergayga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Somalia iyo MareykankaWasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta Nairobi kula kulmay Ergayga Mareykanka u qaabilsan Somalia, James P. McAnulty, ku xigeenkiisa Brian Phipps iyo madaxa warbaahinta safaaradda USA ee Nairobi qaybteeda Soomaaliya. Continue reading

Wasaaradda Amniga Gudaha oo hoteellada magaalada Muqdisho ku yaalla ku soo rogtay sharci cusub oo lagu sugaayo Amniga.

Sahafi HotelWasaaradda Amniga Gudaha ee xukuumadda Somalia ayaa ku soo rogtay hoteellada magaalada Muqdisho ku yaalla sharci cusub oo uu ka mid yahay in lala socon doono dhaqdhaqaaqyada hoteellada, iyadoo arrintan ku sheegtay mid lagu adkeynayo ammaanka Caasimadda. Continue reading

Shir looga hadlayay Maal-gashiga Soomaaliya oo saddex maalmood ka socday magaalada Nairobi oo shalay la soo gabagabeeyey.

Shir Maalgelin.jpg1Shir looga hadlayay Maal-gashiga Soomaaliya oo saddex maalmood ka socday hoteelka Safari Park ee magaalada Nairobi ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey, waxaana shirkan ka soo qayb-galay in ka badan 150 hay’adood iyo 300-qof oo isugu jira hay’adaha Maal-gashiga sameeya iyo ganacsato Soomaali iyo Ajaanib isugu jira. Continue reading

Dhallinyaro rabtay inay ku biiraan Ururka Nadiidka (Al-shabaab) oo ka soo tallaabay xadka Soomaaliya iyo Kenya oo lagu qabtey.

dad la soo qabtayWar Saakey naga soo gaaray  Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoosayaa sheegaya in  lagu qabtey lix qof  dhallinyaro ah oo kasoo tallaabeen xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya islamarkaana doonayeen inay ku biiraan Kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab. Continue reading

%d bloggers like this: