Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Masaajid-Cali-Guduud oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada AmisomWar naga soo gaaray Saakay magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegay deegaanka Masaajid-Cali-Guduud oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo saldhig ay ku lahayd Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan halkaas ayaa sidoo kale sheegay in la wareegida deegaankan uu qayb ka yahay qorshayaal ay ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan deegaannada ay Shabeellada dhexe kaga sugan yihiin.

Sida Wararku ay sheegayaan in ciidamada isbahaysanaya iyo kuwa Al-shabaab ay uu muddo kooban dagaal ku dhexmaray deegaanka ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Deegaankan Al-shabaab waxay shacabka kaga qaadi jireen lacago, waxaana intii aan howlgalka ku jirnay aan ku dilnay saddex ka mid ah kooxda Al-shabaab, hub badanna waan kaga furannay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan kuwa hoggaaminayay dagaalka oo warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale, Masaajid-Cali-guduud ayaa ah deegaan ay sii maraan gaadiidka xamuulka ah ee isaga kala goosha deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia iyo Muqdisho, iyadoo deegaankan uu muddo sannado ah gacanta ugu jiray Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro hadal kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku saabsan deegaanka la sheegay inay Al-shabaab laga qabsaday shalay oo Isniin ahayd.

SomaliSwiss             Jowhar
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: