Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Kampala uga furmay Kulan Howleed la xiriira diyaarinta qoorshaha Kalfadhiga 6aad.

Guddiyada Baarlamaanka.JPG1Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda uga furay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulan howleed la xiriira dejinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhowaan furmaya. Continue reading

Dowladda Japan oo ugu deeqday dalka Soomaaliya lacag dhan 3-milyan oo doollarka Mareykanka ah

Miino baarisDowladda Japan ayaa ugu deeqday dalka Soomaaliya lacag dhan 3-milyan oo doollarka Mareykanka ah, taasoo wax looga qabanayo qaraxyada ka dhasha miinooyinka ku aasan Soomaaliya, iyadoo lacagtaan la soo maraiyay hay’adda miinooyinka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Mine Action. Continue reading

Xeer Ilaalinta Qaranka oo maanta ka Warbixisay Saraakiishii loo Xiray Qaraxii Hotel SYL

Astaanta Qaranka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ka warbixisay baaritaan lagu hayo saraakiil loo xiray qaraxii 22-kii bishii Janaayo ee lasoo dhaafay ka dhacay Hotelka SYL oo ku yaalla ka soo horjeeda madaxtooyada Somalia. Continue reading

Prof. Maxamed Cumr Dalxa oo shaaca ka qaaday inay jiraan lacago loogu yaboobay Soomaaliya oo dalal kale Qaateen.

dhalxaXildhibaan, Maxamed Cumr Dalxa oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan dalal si gaar ah uga faa’iideystay lacago Jaamacadda carabta ugu yaboohday Soomaaliya kaddib markii la waayay xukuumad daba-gasha lacagahaas. Continue reading

Mas’uuliyiinta Ahlusunna Wal-jamaaca oo diideen in ciidamadooda ay ka saaraan degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

ahlusunnah2Mas’uuliyiinta Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa diideen in ciidamadooda ay ka saaraan degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, iyadoo sheegay in heshiiskii dhawaan ay la galeen dowladda Soomaaliya aysan ku jirin in ciidamadooda laga saaro Guriceel.
Continue reading

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Masaajid-Cali-Guduud oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada AmisomWar naga soo gaaray Saakay magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegay deegaanka Masaajid-Cali-Guduud oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo saldhig ay ku lahayd Al-shabaab. Continue reading

%d bloggers like this: