Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Ra'iisal-wasaare CCC iyo ItoobiyaRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah maanta ku yimid dalka Ethiopia isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatray Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Mudane Tedros Adhanom. Continue reading

Marwada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska 8-da Maarso oo xalay lagu qabtay Muqdisho.

Marwa QamarMarwada Madaxweynaha dalka Marwo Qamar Cali Cumar ayaa xalay ka qeyb gashay munaasabad lagu weyneynayay xuska maalinta haweenka adduunka, kaa oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha. Continue reading

Wasiirka gaashaandhigga dalka Soomaaliya oo kormeer ku tagay meelihii ay u barakaceen dadkii ka cararay dagaalkii Guriceel.

Barakaca Guriceel.jpg1Wasiirka gaashaandhigga dalka Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo socdaal ku joogay gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guri-ceel, isagoo sidoo kalena kormeeray dugsiga tababarka qeybta 21-aad ee ciidamadaxoogga dalka, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo AMISOM ka tirsan. Continue reading

%d bloggers like this: