Hoggaamiyaha Kooxda Boko Haram ee Nigeria oo ku dhawaaqay inay ku biireen Islaamiyiinta Daacish ama ISIS. ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Boko Haram’s leader Abubakar ShekauHoggaamiyaha Kooxda Boko Haram ee Nigeria ayaa ku dhawaaqay inay ku biireen Islaamiyiinta Daacish ama ISIS.ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Hoggaamiyaha Boko Haram, Abubakar Shekau ayaa hadal uu soo duubay ku sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ka mid yihiin Daacish ayna amarada kooxdaas u hoggaansami doonaan.

Abubakar Shekau ayaa intaas ku daray in dagaalladooda ka socda galbeedka Afrika ay xoojin doonaan, isla markaana iyaga iyo Daacish ay iska kaashan doonaan dagaallada ay kuwada jiraan.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay millateriga Nigeria ayaa sheegay inay si dhab ah u qaadanayaan hadalkan kasoo yeeray hoggaamiyaha Boko Haram ee ku aaddan inay ku biireen Daacish.

Dhanka kale Boko Haram ayaa horay ugu dhawaaqday dowlad Islaami ah deegaannada waqooyiga dalka Nigeria ay ka hirgelinayso, waxayna ku biiristeeda Daacish ay ahayd mid markii horeba la filayay.

 Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa ugu dambeyn, bishii November ee sannadkii hore aqbalay heshiis ay la galeen kooxo Islaamiyiin ka dagaalama dalalka Libiya iyo Algeria.

SomaliSwiss         Konduga
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: