Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal-Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta gaaray degmada Dhuuso-mareeb xarunta ee gobolka Galguduud.

Ra'iisal-wasaare CCC.jpg1Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta gaaray degmada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud. Iyadoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka difaaca Soomaaliya.

Xubnaha safarkan ku wehliya Ra’iisal-Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah labada gole ee dowladda Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo xubno kale. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE

Ra'iisal-wasaare CCC.jpg2Madaxdan ayaa waxaa la geeyay hoolka shirarka ee Dhuusa-mareeb, halkaasoo uu ka socdo shirka dib-u-heshiisiinta dadka dega gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’iisul wasaare Sharma’arke iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay kulammo la yeeshaan mas’uuliyiinta iyo odoyaasha dhaqanka gobolka Galgaduud, si loo dadajiyo shirka dib-u-heshiisiinta ah ee degmadaas ka socda iyo in laga wada-shaqeeyo maamul u sameynta gobollada dhexe.

Ra'iisal-wasaare CCC.jpg8Guddoomiyaha gobolka Galguduud ee dowladda Somalia, Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay in socdaalka ra’iisul wasaaraha Somalia uu la xiriiro sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen shirka dib-u-heshiisiinta gobollada dhexe.

“Wafdiga ra’iisul wasaaruhu waxay u yimaadeen sidii shir dib u heshiisiinta ah ee socda ay wax uga ogaan lahaayeen, shirkaasoo 10-kii bishii Jannaayo ee sanadkan uu degmadaas ka furay magaalada Dhuuso-mareeb,” ayuu yiri Cirfo.

Ra'iisal-wasaare CCC.jpg7Sidoo kale, Xuseen Cali Wehliye wuxuu xusay in ra’iisul wasaraha Somalia uu laba casho ku sugnaan doono gobolka Gal-guduud, qorshaha socdaalkiisana ay ka mid tahay sidii wax looga qaban lahaa colaadihii degmada Guriceel oo ay dhibaatooyin badan ka dhasheen.

“Ra’iisal-Wasaaraha Soomaaliya waxaan kala hadli doonaa sidii nabadgalyo loogu soo celin lahaa Guri-ceel, kaasoo ah qodobka noogu mihiimsan ee aan ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wafdigiisa kala hadlii doono,” ayuu hadalkiisa ku daray Xuseen Cirfo.

Ra'iisal-wasaare CCC.jpg5Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa ka hadlay ciidamo ka socda dalka Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM oo maanta degmada Dhuuso-mareeb gaaray, kuwaasoo uu sheegay inay qayb ka yihiin ciidamada amniga guud ee degmada sugi doona.

Si kasta ha ahaatee, gobolka Galguduud ayaa waxaa qaybo ka mid ah ka socday dagaallo, halka qaybo kalena uu ka socdo shir dib u heshiisiineed, iyadoo lagu wado in Sharma’arke uu tago degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Ra'iisal-wasaare CCC.jpg3Ra'iisal-wasaare CCC.jpg4SomaliSwiss Dhuuso-mareeb
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: