Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay‘adda Qaxootiga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Hay'adda Qaxootiga.jpg1Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Alessandra Morelli oo ah Wakiilka hey’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya oo ay ka wada hadleen kaalinta hey’adaasi ay ka qaadato arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Kenya , Ethiopia , Djibouti iyo Yemen .

Hay'adda QaxootigaDr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa sheegay in Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii ay u soo ceshan laheyd kaalintii ay ku laheyd gobolka bariga Afrika , si ay u noqoto dowlad nabadda iyo deganaanshaha ku caan ah , kana maran loolan dhiig ku daato iyo dagaalo sokeeye .

Alessandra Morelli ayaa dhankeeda sheegtay in kaalmooyin samafal ay gaarsiiyaan qaxootiga Soomaaliyeed , si loo yareeyo dhibaatooyinka ku heysta dalalka shisheeye .

Si kasta ha ahaatee Kulankan wuxuu ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah La taliyeyaasha Xafiiska Wasiirka .

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: