Kulan looga hadlayay nidaamka federaalka oo maantalagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulan FederaalkaKulan looga hadlayey qaabka ugu wanaagsan ee Dalka loo gaarsiin karo nidaamka Federaalka iyo dhameystirka maamul u sameynta gobollada Dalka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyadoo uu kulankaas qaban qaabiyay Xafiiska Jamciyadda Qarumaha ka dhaxeysa ee Soomaaliya UNSOM.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb_galay Mas,uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha gudaha oo uu ka mid yahay Wasiiru Dowlaha Wasaaradaas Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Mas‘uuliyiin ka socotay Xafiiska Siyaasada QM ee Soomaaliya,ururada Bulshada Rayidka ah ayaana ka doodayay Barnaamijkaas.

Sidoo kale qaar ka mid ah Mas,uuliyiinta ka qayb gashay Kulanka Dood wadaaga ah ayaa waxaa ay qabaan in Bulshada Soomaaliyeed aysan Fahamsaneyn nidaamka Federaalka ah ee la doonayo in Dalka laga hirgeliyo isla markaana loo baahanyahay in lagu baro Marka Hore waxaana ka mid ah mas,uuliyiintaas Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir mudane Tarsan iyo Caasho Geele Diriye oo ah Gudoomiyhaa Gudiga Dib u Eegista Dastuurka .

Madaxa siyaasadda xafiiska QM ee Soomaaliya Marwa Kalowde Kolonji DEMBA ayaa ka hadashay Kulankaas waxaana ay sheegtay in Sanadkaan uu Noqon doono Sanadkii Dhameystirka Maamul u sameynta Gobollada dalka Soomaaliya iyo gaarsiinta nidaamka Federaalka ah Ee Dalka sida Qorshuhu Yahay Maamulada Hadda Dhismaya sida Gobolada Dhexe ayayna Bogaadisay.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: