Dowladda Talyaaniga oo Soomaaliya ugu deeqday gawaari nooca ay ciidamadu isticmaalaan ah.

???????????????????????????????Waxaa maanta Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiintaugu Sareysa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka socotay dowladda dalka Talyaaniga ayaa ciidamada Mileteriga Soomaaliya lagu wareejiyay gawaari nooca ay ciidamadu isticmaalaan ah kuwaas oo dowladda Talyaaniga ugu deeqday Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

??????????????????????????????????????????????????????????????Gawaaridan oo tiradoodu gaareyso 54 ayaa waxaa loogu talo_galay ciidamada Booliska Mileteriga,iyo Nabadsugida waxaana ugu horeyn ka hadlay Bernando Mencaraglia oo ka socday wasaaaradda gaashandhiga Talyaaniga kaasoo sheegay in arintan ay qeyb ka tahay fulinta ballan qaadyo ay dowladda Talyaanigu horay ugu sameysay Soomaaliya.

???????????????????????????????Sidoo kale taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa uga Mahad celiyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidamada Xoogga dalka si dib u dhis loogu sameeyo ciidamada Soomaaliya

???????????????????????????????SomaliSwiss             Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: