Wafdigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo booqasho taariikhi ah ku tageen xarunta Baarlamanka Jarmalka

Jawaari Jarmalka.jpg1Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari & guddoomiye ku xigeenkiisa labaad, Mahad C/lla Cawad oo ku sugnaa dalka Jarmalka ayaa maanta ku tagay booqasho taariikhi ah xarunta baarlamanka Jarmalka, halkaasoo ay kulammo kula qaateen guddoonka baarlamaanka Jarmalka. Continue reading

Xisbiyada Mucaarad Maamulka Somaliland oo go’aamo soo saaray dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka Somaliland.

Mucaaradka SomalilandXisbiyada Mucaarad ee Somaliland – WADDANI iyo UCID iyo Madasha wadatashiga ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaalada Hargeysa kaga hadlay mawqifkooda ku aaddan doorashada iyo arrimaha siyaasadeed Somaliland. Continue reading

Ra’iisul Wasaare Cumar C/Rashiid oo maanta shir gudoomiyey kulan looga arinsanayey dar-dargalinta Barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal).

Golaha Wasiirada Cusub.jpg2Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa saaka shir gudoomiyey kulan looga arinsanayey dar dargalinta barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) kaas oo soo bilowday bishii September 2013. Continue reading

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo WFP kala hadlay gurmadka Samfalka

Wasiira  cusub a. Dibadda.jpg4Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa agaasimaha barnaamijka cunnadda adduunka ee WFP u qaabilsan Soomaaliya, Laurent Bukera, waxayna ka wada hadlay xaaladda cunno-yari ee barakacayaasha ku haysata Somalia iyo dib u dejin loo sameeyo dadka saameyntu ku yeeshay colaadaha sokeeye ee dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah dalka. Continue reading

Midowga Yurub oo Soomaaliya ka Taageerayso Horumarinta Tamarta.

Somalia & EuropianMidowga Yurub (EU) iyo Wakaaladda Harumarinta Tamarta (Adventist Relief Agency) waxay bilaabeen barnaamij cusub oo Soconaayo 3 sano oo ujeedadiisa ay tahay isticmaalka iyo faafinta tamarta la cusboonaysiin karo ee Soomaaliya.iyadoo loo maraayo hirgelinta mashruuca “Badalka Tamarta Soomaaliya†(SET), in ka badan 100.000 oo qoys ayaa awoodi doona helitaanka adeegyada tamar joogto ah oo la awoodi karo Somaliland, Puntland iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Continue reading

Wasiirka Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Maanta booqday Ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Guriceel

Wasiirka cusub gaashandhigga.JPG6Wasiirka difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal ku joogay degmada Guri-ceel ee gobolka Gal-gaduud ayaa saaka booqasho ku tagay dugsiga tababarka Har-qaboobe ee qaybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kulammo la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka, isla markaana dar-daaran u jeediyay ciidamaddii halkaasi ku sugan. Continue reading

%d bloggers like this: