Wasiirka Gaashaandhigga oo kula kulmay Guriceel masuuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu-Sunna iyo odayaasha dhaqanka.

Wadahadalka Soomaalida.jpg1Wasiirka gaashaandhigga Generaal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo shalay gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa xalay kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu-Sunna iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

Wariyaha Radio Muqdisho ee Galguduud Ismaan Maxamed Aadan ayaa ku soo warramaya in wasiirku uu shalay galabtii socdaal ku tagay goobihii lagu dagaallamay ayadoo ay la socdaan saraakiil ka tirsan Ahlisunna.

Dagaal u dhaxeeya ciidamo dowladda ka tirsan iyo ASWJ ayaa dhowr jeer ka dhacay degmada Guriceel oo ay inta badan ka barakaceen dadkii degganaa. Masuuliyiinta Ahlu-Sunna ayaa sheegay inaysan diiddanayn dowladda hase yeeshee ay wax tabanayaan.

Wasiir Diini ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la joojiyo dagaalka isla markaana  wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka si loo badbaadiyo dadka shacabka ah.

SomaliSwiss              Guri-ceel
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: