Wasiirka arrimaha dibaddaSoomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya dalka Soomasliya.

Wasiirka A Dibadda HadliyeWasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya dalka Somalia, Inj. Xasan Bin Hamza Asad Maxamed.

Iyagoo kawada hadlay xiriirka laba labada dal iyo is-kaashiga u dhexeeya.

Wasiirka A Dibadda Hadliye.jpg1Kulanka Qaabilaadda intii uu socday ayaa waxaa la isku weydaarsaday aragtiyo muhiim u ah danaha wadaagga ah iyo qaabkii lagu xoojin lahaa. Iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen xubno labada dhinac ka socday.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir xooggan oo walaalnimo soo jireen ah oo ku qotama iskaashiga dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo bulsho ee labada dal u dhexeeya, iyadoo dowladda Qatar ay ka mid tahay dowladaha ugu horeeya ee caawiya Soomaaliya.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: