Dowlada federaalka Somalia ayaa ku eedeysay wafdiga ku meletaya maamulka Somaliland Wadahadallada Turkiga ee Somalia iyo Somaliland u dhexeeya ay ku guul-darreysteen inay soo fariisto miiska wadahadalka, iyagoo lasoo baxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya ku matalaya shirka.
Wafdiga ay dowladdu u dirtay inay uga qaybgalaan wadahadallada ayay ku sheegtay inay yihiin xubno damaanad buuxa ka qaba dowladda Somalia si ay wadahadallada Turkiga ugu matalaan.
ā€Laba dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq uma laha inuu midka kale u yeeriyo cidda ay tahay inay metesho. Arrintaasi waxay xad-gudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo hab-dhaqanka caalamiga ah ee wada-xaajoodka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Somalia.
Sidoo kale, dowladda Somalia ayaa sheegtay in wafdiga Soalia oo shirka la yimid niyad-wanaag iyo Soomaalinnimo, ay shuruudo ku xireen Somaliland, waxaana dowladdu ay sheegtay in ergada Somaliland ay kaligeed mas’uul ka tahay inuu qabsoomi waayo shirkani.
ā€Dowladda federaalka Somalia mar walba waxay u taagan tahay midnimada Soomaaliya waxay caddeynaysaa inay diyaar u tahay wadahadal aanay shuruud ku xirnayn oo dan u ah midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo si fool-ka-fool la isugu soo hor-fariisto,” ayaa lagu yiri warka dowladdu ay soo saartay.
Ugu dambeyn, wafdiga dowladda Soomaaliya uga qayb-galaya shirka wuxuu dib ugu soo laabanayaa Somalia si uu wadatashi ula sameeyo madaxda sare ee Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska u quseeyo wadahadalladan.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Somalia ayaa uga mahadcelisay dowladda Turkiga marti-gelinta labada wafdi iyo dhiirri-gelinta wadahadallada labada dhinac u dhexeeya.
SomaliSwiss Ā Ā Ā Ā Ā Ā Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |