Xaflad lagu soo dhoweynayay Xildhibaan Xasan Macalim Maxamuud oo xalay lagu qabtay magaalada San Gallen ee Wadanka Switzerland.

Soo dhaweyn.jpg4Waxaa Xalay ka dhacay magaalada San Gallen Xaflad si heer sare ah ay u soo agaasimeen ugana soo shaqeeyeen Guddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Bariga Switzerland, iyadoo kaalin weyn ay ka qaateen qaybaha bulshada iyo qaar ka mid ah Jaaliyadaha kale Soomaaliyeed ee ka jira guud ahaan dalkan Switzerland. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

Soo dhaweyn.jpg1Xafladdan oo ahayd mid lagu soo dhoweynayay Xildhibaan, Xasan Macalim Maxamuud, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Daljir oo dhawaantana loogu dhawaaay gudaha dalka Soomaaliya oo maalmaha soo gaaray dalkan Switzerland

Ujeedada Socdaalkiisana tahay sidii uu u uruurin lahaa Fikradaha ay ka qabaan sidii loo heli lahaa Axsaab Siyaasadeed oo ku mideysan fikradaha bulshada u horseedi kara Midnimo Qaran, sidoo kale wuxuu socdaal ku kala bixiyey Wadamo kale ee ku yaala Qaaradda Yurub.

Soo dhaweyn.jpg3Furitaankii xafladda ayaa waxaa ugu horraantii hadal soo dhaweyn ah ka Jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Bariga Switzerland Marwa Leyla Maxamuud Qanyare, kadibna sidaas si la mid ah waxaa kaloo khudbado koo-kooban ka jeediyey Guddoomiyayaasha Jaaliyadaha Zürich, Zug, Aarau iyo Ururro kale.

Soo dhaweyn.jpg8Intaas kadib waxaa halkaas Khudbad dheer ka jeediyey Mudane Xasan Macalim khudbaddaas oo ahayd Warbixin la xiriirta xaaladda dalka iyo howlaha ka socda dalka iyo wax-qabadka labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ; ha yeeshee Xildhibaanku wuxuu si Cilmiyeysan u faahfaahiyey, ugana dheeraaday habka Siyaasadeed ee Xisbiyada laga yegleelaya dalka Soomaaliyeed, taas oo loogu dan-leeyahay in laga guuro habka qabyaaladda,

Soo dhaweyn.jpg6Si kastaba ha ahaatee waxaa dadkii ka soo qayb-galay Munaasabaddaas oo isugu jiray Aqoonyanno, Waxgarad, Haween iyo guddiyada Jaaliyadahaba ay su’aalo weydiiyeen Xildhibaan Xasan Macalim Maxamuud, su’aalahaas oo Jawaab Waafi ka bixiyey.

Ugu danbeyntii waxaa gabagabadii Xafladda hadal mahadcelin ka jeedisay Guddoomiyiyaha Jaaliyadda Kantonka Bariga Switzerland.

Ha yeeshee intii ay socotay xafladda soo dhaweynta ahayd waxaa si dhaxtaal ah u madadaalinayey Fannaaniinta Kanton Zürich oo hormuud u ahaa Fannaanka weyn Mudana Axmed Yaasiin,isla markaasna uu xiriiriye ka ahaa barnaamijka lagu soo dhaweynayeye Mudane Xasan Maclim Maxamuud. waxaana Munaasabaddii ay ku dhamaatay Reyn Reyn iyo farxad, iyadoo ka qayb-galayaashii ay halkaas ku cuneen Casho Sharaftii loogu tala-gala ka soo qayb galayaasha.

Soo dhaweyn.jpg2Soo dhaweyn.jpg9Soo dhaweyn.jpg7SomaliSwiss         Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: