Madaxweynaha Kaltanka Switzerland oo booqasho rasmi ku tegi doonta khamiista soo socoto dalka Lussemburgo.

Simonetta SommarugaMadaxweynaha Kaltanka Switzerland Simonetta Sommaruga ayaa booqasho rasmi ku tegi doonta khamiista soo socoto dalka Lussemburgo,waxayna shirar gaar gaar ah la yeelan doontaa Ra‘iisalwasaare Xavier Bettel iyo Mas’uuliyiin kale ee dowladda dalka Lussemburgo, sidaas waxaa laga soo saaray Xafiiska Waaxda Federaalka Cadaaladda iyo Booliska.

Kulanka Madaxweynaha Swisska iyo Ra‘iisalwasaaraha dalka Lussemburgo ayaa lagu waday inay ka dhacday Bern settembre 2014 oo la rabay in laga wadahadlo siyaasadda maaliyadda iyo Canshuuraha iyo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya Switzerland iyo Lussemburgo”.

Sidoo kale Madaxweynaha Kaltanka Switzerland Simonetta Sommaruga ayaa la sheegay inay la kulmi doonto Ra’iisalwasaare Ku-xigeenka dowladda dalka Lussemburgo ahna Wasiirka dhaqaalaha iyo difaaca Etienne Schneider, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jean Asselborn, Wasiirka Maaliyadda Pierre Gramegna iyo Wasiirka Cadaaladda Félix Braz.

Source :            Swissinfo
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: