Laba Caruur Mataano isku-dheggan ah oo Gobolka Texas ee dalka Mareykanka lagu kala Saaray.

Caruur isku dhegganWanaag-Sheeg iyo laab la kacii magaalada Houston ayaa haatan ka rumowday Isbitaalka Caruurta Texas, “Texas Children Hospital” halkaas oo lagu dhabiibayey laba Caruur Mataano isku-dheggan.

Howsha kala saaridda laban Caruur oo ahayd mid aad khatar ayaa lagu guuleystay toddobaadkii hore, waxayna howsha qalitaankaas ay qaadatay 26tan Saac.

Caruur isku dheggan.jpg3

Howsha kala saaridda laban Caruur oo ahayd mid aad khatar ayaa lagu guuleystay toddobaadkii hore, waxayna howsha qalitaankaas ay qaadatay 26tan Saac.

“ Raali ayaan ka nahay Takhaatiirta juhdiga weyn gelisay, inkastoo Camaliyadan aysan ahayn markii hore wax suurta-gal ah, waayo Caruurtan ayaa waxay wadaageen xubno kala duwan oo badan“, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Agaasimaha kooxda ka howl-gashay kala saaridda labadan Caruur; Agaasimuhu wuxuu intaas uu raaciyey “ Waxaan nahay dadka wanaag sheega, waana u maleynayey in labadan Caruur ay si gooni gooni ah u noolaan karaan“.

Caruur isku dheggan.jpg1Labadan Caruur oo labaduba gabdho ah ayaa waxaa lagu kala magacaabay Knatalyne Hope Mata iyo Adeline Faith ( Hope – Rajo & Faith – Rumeyn), Caruurtan ayaa waxay ka mideysnaayeen Wadnaha, Sambabaha, qayb ka mid ah Beerka iyo qayb ka mid ah Mindhecerrada.

Ha yeeshee Takhaariirtu waxay sheegeen in ay la socdeen xaaladda Hooyada Caruurtan dhashay inta ay Uurka ay ku siday.

Haddaba xaaladda labadan Gabdhood, (Hope iyo Faith) ayaa ah mid deggan oo caadi ah, waxayna laba Toddobaad ay ku jirayaan qaybta Hawa-siinta, kadibna ay dhowr bilood ay ku nagaadi doonaan Isbitaala qaybta dadrdergelinta Caafimaadkooda.

Intii ay socotay howsha qalliinka Kooxda ka howl-gashay Qalitaanka lagu kala saarayey Caruurtan ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen 12 Takhaatiir qaybta Qaliinka iyo 8 Kalkaaliye iyo 6 anestesiologi (12 chirugia 8 infermiere & 6 anestesiologi).

Howsha kala saaridda laban Caruur oo ahayd mid aad khatar ayaa lagu guuleystay toddobaadkii hore, waxayna howsha qalitaankaas ay qaadatay 26tan Saac.Waaladiinta Caruurtan oo kala ah Hooyo Elysse Mata iyo Aabbe John ayaa iyaguna la geeyey magaalada Houston oo ku yaala Isbitaalka Caruurta (Texas Children Hospital), si ay uga ag-dhawaadaan Caruurtooda.

Source : Swissinfo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: