Shirkii looga hadlayay Dib u habeynta iyo kor u qaadista Afka Soomaaliga oo maanta la soo gabagabeeyey…..

Shirka AfsoomaaligaShirkii looga hadlayay Dib u habeynta iyo kor u qaadista Afka Soomaaliga ee Maalmahaan ka socday Magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyey, waxaana ka soo qayb galay Xiritaankiisa Xubno ka tirsan wasiirada Xukuumada Soomaaliya waxaana ka mid ahaa wasiirka Wasaarada Warfaafinta hidaha iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Islaamka Dhaqanka iyo Awqaafta Janhuuriyada Jabuuti, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay War Murtiyeed dhowr iyo Toban Qodob ka kooban oo laga soo saaray Shirkaas. Continue reading

Wasiirka Cusub warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Maanta xilka Wasaaraddaas la wareegay, isagoo goob-joog ka ah RW CCC Sharma’arke.

Xilwareejin.jpg1.jpg12Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka warfaafinta xukumadda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka dhacday Muqdisho, iyadoo munaasabadda uu ka qaybgalay ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyadoo uu xilka wasaaradda wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda, isla mar ahaantaana ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta, C.llaahi Colaad Rooble. Continue reading

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay Safiirka Cusub oo Madaxweyne Obama u soo magacaabay Soomaaliya.

Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali.jpg1Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo dhaweeyay magacaabista uu Madaxweynaha Mareykanka Obama u soo magacaabay safiirka Mareykanka ee Somalia, Katherine S. Danani oo noqonaysa tii ugu horreysay oo Soomaaliya loosoo magacaabo muddo 24-sano ka badan. Continue reading

Madaxweyne Obama oo Dalka Soomaaliya u soo Magacaabay safiirkii ugu Wakiilka noqon lahaa……..

ObamaMadaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa markii u horreysay Danjire u soo magacaabay dalka Somalia tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, iyadoo tani ay tahay tallaabo xoojinaysa xiriirka Somalia iyo Mareykanka. Continue reading

Madaxweynaha Kaltanka Switzerland oo booqasho rasmi ku tegi doonta khamiista soo socoto dalka Lussemburgo.

Simonetta SommarugaMadaxweynaha Kaltanka Switzerland Simonetta Sommaruga ayaa booqasho rasmi ku tegi doonta khamiista soo socoto dalka Lussemburgo,waxayna shirar gaar gaar ah la yeelan doontaa Ra‘iisalwasaare Xavier Bettel iyo Mas’uuliyiin kale ee dowladda dalka Lussemburgo, sidaas waxaa laga soo saaray Xafiiska Waaxda Federaalka Cadaaladda iyo Booliska. Continue reading

Laba Caruur Mataano isku-dheggan ah oo Gobolka Texas ee dalka Mareykanka lagu kala Saaray.

Caruur isku dhegganWanaag-Sheeg iyo laab la kacii magaalada Houston ayaa haatan ka rumowday Isbitaalka Caruurta Texas, “Texas Children Hospital” halkaas oo lagu dhabiibayey laba Caruur Mataano isku-dheggan.

Howsha kala saaridda laban Caruur oo ahayd mid aad khatar ayaa lagu guuleystay toddobaadkii hore, waxayna howsha qalitaankaas ay qaadatay 26tan Saac. Continue reading

%d bloggers like this: