Ciidanka Asluubta oo maanta u dabbaal degay sanad-guurad 45aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.

Ciidanka Asluubta.jpg3Munaasabad lagu maamuusayay 45-guuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu ka qayb-galay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan kuwa ciidamada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Taliska ciidamada Asluubta ee Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Asluubta ay sannadba midka ka dambeeya ay sameynayaan horumar la taaban karo, iyadoo lagu jiro xaalad adag.

???????????????????????????????“Aasaaskii labaad waaye, ciidanka asluubta horumar badan ayuu gaaray, walina wuu soo dadaalayaa” ayuu yiri taliyaha ciidanka Asluubta Gen. Xuseen Xasan Cusmaan oo oo la hadlay Radio Muqdisho.

Xafladddan waxaa lagu qabtay Saldhigga ciidanka Asluubta ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan, ayadoo qaar ka mid ah ciidanku ay soo bandhigayaan dhoolatus muujinaya howsha ay dalka u hayaan.

Ciidanka Asluubta.jpg2Taliyuhu wuxuu sheegay in markii ugu horreysay ciidanka la aasaasay mar hore, hase yeeshee hadda loo dabaal degayo aasaaskii labaad oo ay dowladda Soomaaliya u sameysay 1975tii.

Ciidanka asluubta ayaa ka shaqeeya xabsiyada dalka ayagoo ka qeyb qaata wax soo saarka dalka iyo wanaajinta asluubta maxaabiista. Waa ciidanka afaraad ee qaranka Soomaaliyeed.

Ciidanka Asluubta.jpg4Ciidanka Asluubta.jpg5Ciidanka AsluubtaSomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: