Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Geelle oo Maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynayaasha Somalia Jabuti.jpg7Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo madaxweynahyaasha si weyn loogu soo dhaweeyay.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa la socday wafdi wasiirro ah oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo wasiirka Amniga Gudha C/risaaq Cumar Maxamed.

Sidoo kale wafdiga waxaa ka mid ahaa, taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya oo uu ka xusay taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qashe).

Mudane Xasan Sheeh iyo Mudane Geelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada ku sugan gobolka Hiiraan, sida kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynayaasha iyo wafdigiisa ayaa la geeyay taliska ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan oo ku yaalla duleedka waqooyi ee Baladweyne, halkaasoo ay kula shirayaan saraa-kiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya.

Dhanka kale, warbaahinta Gobolka ka soo hadasha ayaa sheegaya in ammaanka guud ee magaalada si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la filayo in wafdiga loo gudbiyo gudaha magaalada si ay indho-indheyn ugu sameeyaan.

Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu tago magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan tan iyo markii ciidanka ka socda dalkiisa ee qaybta ka ah howlgalka ciidanka Midowga Afirka ee AMISOM ay ka billaabeen gobolkaas howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa isagu dhowr jeer oo hore booqday Baladweyne iyo deegaanno kale oo Soomaaliya ka tirsan, waxaana lagu wadaa inta ay ku sugan yihiin Baladweyne inay la kulmaan mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo.

SomaliSwiss                   Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: