Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti oo Xalay la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa dalka Soomaaliya.

Billad qiimo lehMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa biladda ugu sareysa dalka guddoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Billad qiimo leh.jpg2Madaxweyne Geelle ayaa biladda lagu guddoonsiiyey xaflad casho sharaf ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle iyo shacabka reer Djibouti ay wax weyn u qabteen shacabka iyo dalka Soomaaliya, isla markaana uu mudan yahay biladdaasi iyo wax ka badan, Soomaalidanna aaney weligood ilaabi doonin abaalka loo galey.

Madaxweynaha Djibouti oo isna munaasabaddaasi ka hadley ayaa sheegay in mar walba uu taageero hiil iyo hooba la garab taagan yahay Soomaaliya.

Billad qiimo leh.jpg1Xafladda casho sharafta waxaa kale oo ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya , Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubnaha wafdiga Djibouti, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, xubnaha baarlamaanka, taliyeyaasha ciidammada, xubno ka tirsan Akadememiyad Goboleedka Afka Soomaaliga iyo marti sharaf kale.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: