Advertisements

Wasaaradaha arrimaha dibadda Imaaraadka (UAE) iyo Wasaaradaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo heshiis kala saxiixday

WAD DubaiWasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Tan Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku kala saxiideen Heshiiska horudhac ah, kaas oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Imaaraadka Carabta ee Abu Dubai.

Heshiiskaan oo Faa’iido badan u leh Soomaaliya wuxuu la xiriiraa xagga Tayeynta iyo Horumarinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxaa heshiiska u saxiixay dhanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, H.E. Cabdulqaadir Sheikhey Mohamed Al-Xaatimi, Danjiraha Safaarada JFS ee UAE, dhanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Imaaraadkana Waxaa u saxiixay, Wakiilka (Under-Secretary) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda UAE, H.E. Mohamed Mir Abdullah Al Raisi,

Madasha Heshiiska lagu kala Saxiixday waxaa Goobjoog ka ahaa Lataliyaha 1aad ee Safaaradda JFS ee Abu Dhabi Mudane, Axmed Daahir Maxamed iyo Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Imaaraadka Carabta.

SomaliSwiss    Abu Dubai
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: