Horjooge ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda.

Astaanta Al-shabaab.Horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda eek u sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/laahi Cabdi kana tirsanaa horjoogayaasha Shabaabka ayaa waxa uu garowsaday in uu isku soo dhiibo Ciidamada Dowladda.

Horjoogahan isa soo dhiibay ayaa muddooyinkaanba xiriiro la soo sameynaayay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, isagoo markaasi u sheegaaya in uu ka tanaasulay fikraddi xag jirnimada.

Korneyl Cabdi Cabdulle oo ku sugan Degmada Ceelbuur, ayaa Radio Muqdisho u sheegay in gelinkii dambe ee shalay, uu horjoogahni isku soo dhiibay ciidamada, haddana uu ku jiro gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Korneylka ayaa ugu baaqay kuwa weli ku harsan Shabaab iney isaga soo tagaan, isagoo ballanqaaday iney si wanaagsan usoo dhaweyn doonaan.

SomaliSwiss         Ceelbuur
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: