Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Barqadii maanta dib ugu soo nabad noqday Dalka.

Madaxweyne xasan oo soo laabtay.jpg1.jpg2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku soo laabtay dalka kaddib markii uu ka soo qeyb galay munaasabadda 40-guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska Ururkii Xornimo doonka Dalka Ethiopia Tigray People’s Liberation Front.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyo mas’uuliyiin kale, kuwaa oo uu madaxweynaha mid mid u gacan qaaday.

Sidoo kale Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kummanaan shacabka reer Ethiopia khudbad ugu jeediyey garoonka ciyaaraha ee magaalada Mekelle, halkaas oo ay ka dhacdey munaasabad balaaran oo lagu xusayey 40 guuradii ka soo wareegtey markii la aasaasey ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo ka mid ah isbahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intuu  joogay dalka Ethiopia waxaa uu kulamo kale duwan uu la soo qaatay madax ka tirsan beesha caalamka oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Xaaladda Soomaaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: